Jasiiradaha qaabyada kala duwan leh ee ku yaalaan degmada Värmdö, ma jiraan kuwa lamid ah oo ku yaalaan dalka Iswiidan.
Degmada Värmdö waxaa lagu tilmaami karaa jasiiradaha loo yaqaanno skärgård ee Stockholm, laga bilaabo kuwa ugu sokeeyo illaa kuwa badwaynta ku yaalaan. Iyadoo sidaasi tahay, haddana kama foga bartamaha magaalada Stockholm. Socdaalka degmada kama badna 20 daqiiqadood haddii gaadiidka guud la adeegsado. Taasoo kamid ah sababaha degmada loogu soo guuro. Degmada Värmdö waxaa tirokoob ahaan la oran karaa waa degmada 30 sano ee ugu dambeeyay ugu sare kac badnayd tirada dadwaynaha degmada.
Sare u kaca wuxuu sababay in goobo-warshadeed taariikh leh oo ku yaalaan duleedka degmada Gustavsberg, haatan laga dhiso guryo heer sare ah oo aanan horey loo arag wax lamid ah. Qorsheha waxaa weeyaan in illaa sannadka 2025 laga dhiso guryo tiradooda gaarayso 2 300.
Tirada dadwaynaha imminka degamada Värmdö ku nool waa 39 000 qof, waxaana 15 sano ee socda la filayaa in ay ku kordhaan qiyaastii 10 000 qof. Xilliyada kuleelaha waxaa ku kordha qiyaastii 100 000 qof oo ah dalxiiseyaala iyo carrogediseyaal.
Iyadoo la adeegsanaayo baabuur, baas ama doon ayaa hab fudud lagu tegi karaa degmada Värmdö. Haddii aad Stockholm City ka soo dhaqaaqdo qabso wadada 222 ku aadan degmada Värmdö, jidka wuxuu ku dhamaadaa Stavsnäs Vinterhamn oo ah goobta gaadiidka doomaha isugu yimaadaan ee degmada Värmdö. Haddii aad ka soo dhaqaaqdo degmada Vaxholm soo raac doonta baabuurada qaada illaa Stenslätten waqooyi-galbeed degmada Värmdö.
Baasaska taga degmada Värmdö waxay ka dhaqaaqaan Slussen Stockholm lambarrada waxay ka bilaawdaan 4. Goobaha aanan jasiiradaha ku yaalin badidooda waxaa lagu tegi karaa baasaska.
SL – gaadiidka baasaska External link, opens in new window.
Waxholmsbolaget – gaadiidka doomaha External link, opens in new window.
Booqo jasiiradaha yar-yar ee taxana ee loo yaqanno Skärgården
Sweden waxay u qaybsantahay xaafad dawladdeed hoose iyo guddi degmo dawladdeed. Waxay qabtaan arrimaha iyo hawl-qabadyada danaha shacabka ku jiraan kuwaas oo aysan dawladda Sweden xil ka saarnayn. Sharciga dawladda maxaliga ah ee maamula waxa ay xaafad dawladeeda hoose iyo guddiga degmo dawleedku ay tahay in ay sameeyaan ama aysan samayn Karin marnaba. Waxaa Sweden ka jira 290 xaafad dawladdeed hoose ah oo ay Värmdö mid ka mid aytahay ayna ku noolyihiin 39 000 qof. Stockholm ayaa ugu weyn oo ay ku noolyihiin dad gaaraya ku dhawaad 900,000. Isku celcelis waxaa halkii xaafad dawladeedka hoose ku nool 15,000 oo qof.
Xaafad dawladdeedka hoose waa xukunka maxaliga ah. Magaalooyinka ugu weyn iyo xaafad dawladdeedyada hoose ee Sweden caadiyan waxaay iskugu yeeraan magaalooyin.
Waa kuwaan tusalaayin meelaha ay xaafad dawladeedyadu xilka ka saaranyahay:
– Waxbarashada dugsiga ka hor ah iyo dugsiyada waajibka ah ee sagaalka sanno ah – Qaybta sare ee waxbarashada ee dugsiga sare. – Xannaanaynta waayeelka – Xannaanaynta cuuryaamada – Masrufidda dayactirka – Maktabadaha – Qorsheynta iyo dhisidda – Dhawritaanka deegaanka iyo caafimaadka – Biyaha – Habka boosaneeradda – Nadiifinta jidka – Wasakhda – Adeega deg dega ah iyo badbaadinta
Intaas waxaa dheeri ku ah in ay xaafad dawladdeedyada hoose u qabtaan waxyaabo kale ee ka faa’ideysiga iyo horumarinta bulshada ah.
Marka lala barbardhigo wadamada kale badankood dawladda shaqsiga ah ee maxaliga ah aad ayey ugu xoogantahay gudaha Sweden— Waxay u haysataa xorriyad baaxad leh xaafad dawladeed wax walba in ay go’aansato waxqabadkeeda.
Dawladdu waxay doonaysaa in ay xaafad dawleed walba sida ugu macquulsan ay go’aan uga gaarto wax qabadyadeedda. Dhanka kale Dawladdu waxay go’aamisaa Sharciyadda haggamiya xaafad dawaladeedyadda hoose.
Marxalada ugu muhiimsan ee xukuumadeed waa xaq u lahaanshaha go’aanka heerka canshuurta maxaliga ah iyo xaquuqda canshuuridda. Isha ugu weyn ee dakhliga xaafad dawladdeedyada hoose waa canshuurta maxaliga ah ku dhawaad boqolkiiba 60. Sidaas daraadeed mid ka mid ah waajibaadka ugu muhiimsan ee xaafad dawladdeedka hoose waa in ay sameeyaan fursadaha shaqooyinka ee dadkeeda ku nool. Dadka ku nool ee diiwaan-gashan ama ku leh hanti xaafada dawladdeedka hoose, ayaa ah kuwa xubinta ka ah.
Xeerka ay ku heli karaan dadweynaha warqadaha rasmiga ah ayaa siineysa dhamaan dadka reer Sweden iyo muwadiniinta ajaanibta ah in ay ka qaybqaataan ayna isku soo xaadiriyaan helidda dukumiintiyada rasmiga ah ee shacabka. Xubin walba ee ka mid ah xaafad dawladdeedka hoose sidoo kale waxay xuquuq u yeelanayaa sharcinimadda go’aamada ay dib u eegto maxkamadda maamulka degmada.
Demoqraadiyadda maxaliga ah ee xaafad dawladdeedyada hoose waa qayb aad muhiim uga ah demoqraadiyadda Sweden. Xaafad dawladdeed walba waxay leedahay gole dawladda hoose ah lehna wakiillo ka socda xisbiyadda siyaasadda. Golaha dawladda dhexe wuxuu soo doortaa guddiga maamulka sare ee magaaladda iyo guddiyaal kale.
Doorashada guud ee baarlamaanka, ururka dawladda dhexe iyo guddiga degmadda waxaa la qabtaa isku maalin afartii sannaba mar.
Saacadaha xafiiska ee maamulka degmada waa isniin-jimce 8-17, khamiis 8-19 iyo jimce 8-13.
Degmada Värmdö
Tal (guud): 08-570 470 00
Faks: 08-57048305
Adreeska boostada: 134 81 Gustavsberg
Adreeska booqashada: Skogsbovägen 9-11, Gustavsberg
E:mailka maamulka degmada: varmdo.kommun@varmdo.se
Dugsiga barashada luqada iswiidishka – Xarunta shaqada iyo waxbarashada (CAS) duleedka degmada Gustavsberg degmada Värmdö.
Xafiiska CAS: Taleefan: 08/570 483 31
Saacadaha taleefanka: isniin – jince 08.00 -11.30 Adreeska booqashada: Skärgårdsvägen 7, 134 30 Gustavsberg.
Furan isniin-jince saacadaha 8.00-16.30 Adreeska : Skärgårdsvägen 7, Gustavsberg
Försäkringskassan wuxuu maamula kaalmo-dhaqaaleedyada loogu talagalay qoysaska carruurta leh, bukaanada iyo curyaamada. Wuxuu kaloo bixiyaa gunnada hawlgabka, caymiska waalidiinta iyo kaalmo-dhaqaaleedka kirada. Tal: 0771 524 524
Inta waxaad ka heli kartaa macluumaad guud oo luuqado dhawr ah iskugu jira oo ku saabsan caawinta Ardada Sweden.
Goobta internetka waxaa looga talagalay qofka adigoo kale ah oo dhowaan ruqsadda degenaanshada (sharciga) la siiyay oo ku nool gobolka Stockholm. Goobta internetka waxaa loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo u baahan warbixin xirir la leh hab-shaqaynta bulshada iyo warbixinta hay’adaha uu kala xiriiri karo arrimaha kala duwan.
Waa warbixin khuseeysaa qofka dalka Iswiidan ku cusub. Waxyaalo badan baad is-waydiinaysa markii aad dalka Iswiidan ku cusub tahay. Waa inaad hay’adda canshuuraha Skatteverket iyo Försäkringskassan iska diiwan gelisaa si aad ugu faa’iideysato hab-dhiska caymiska bulshada Dalka Iswiidan.
La taliyeha macaamiisha wuxuu ka caawinayaa arrimmo kala nooc ah oo xiriir la leh macaamiisha. Haddii aad aaminsan tahay in badeecad lagugu qiyaameeyay ama aad u baahan tahay in laga caawinno arrin heshiis iwm xiriir la leh, waxaad la xiriiraysa La taliyeha macaamiisha.
Warbixinno muhim ah oo ku ku saabsan siyaabaha sal-dhig dalka Iswiidan loogu yeesho waxaad ka akhrisan kartaa:
Haddii aad ku cusubtahay Sweden adeegga shaqaalaynta Sweden waxay ku siin kartaa dhawr fursadood oo aad ku heli kartid kuna xifdin kartid shaqada.
Sfi waa waxbarasho aasaasi ah oo luuqada Swedish-ka ah ee loogu talo galay dadka waaweyn ee qaxootiga ah lehna luuqada ay u dhasheen oo aan ahayn tan Swedish-ka.
Waxaad ka baran kartaa Sfi gudaha CAS (Rugta shaqada iyo daraaseynta) haddii aad ka diiwaan gashantahay Värmdö ama Nacka. Waxbarashadu waxa ka koobantahay afar koorso oo kala duwan: A, B, C iyo D. Waxbarashaadda aasaasiga ah iyo aqoonta aad u leedahay luuqada Swedish-ka ayaa waxay go’aaminaysaa kooraska aad ka bilaabaysid. Markii aad dhameysid Sfi D, waxaad sii wadi kartaa waxbarashada luuqada Swedishka si luuqada shisheeye ahaan ah oo heer ka duwan ah. Waxaad sidoo kale isku dari kartaa barashadaadda Swedish-ka iyo koorasyo kale. Markii aad ka baratid Sfi-da CAS waxaad:
– Helaysaa manhaj shaqsiyeed. – Si toos ah ayaad waxbarashadaada u bilaabeysaa – Baran kartaa waqtiga maalinkii ah ama baheenkii – Baran kartaa fahmidda, aqrinta, ku hadalka iyo qorridda Swedish-ka – Helaysaa maclumaad muhiim ah oo ku saabsan bulshada Swedish-ka ah – Helaysaa Awood xirfaddeedka aasaasiga ee kombiyuutarka – Qori kartaa isu uruurinta sharuudaha shaqada la iskaga baahanyahay oo tusinaya dhamaan xirfaddaada
Yaa luqada baran karo?
Qofka degmada Värmdö ka diiwan gashan oona leh afarta lambar ee ugu dambeeyo, ayaa luqada iswiidishka baran karo.
Isku qorid
Hab joogto ah ayaa barashada luqada Sfi laysugu qori karaa. Haddii aad khadka taleefanka kula xiriirto xafiiskayga, waxaa lagu ballaminayaa macallin. Kaasoo gooni ahaan ku qorsheyn doono waxbarashada. Macallinka wuxuu ka hawlgala Xarunta shaqada iyo waxbarashada (CAS) duleedka Gustavsberg degmada Värmdö.
Xafiiska CAS: Taleefan: 08/570 483 31
Saacadaha Taleefanka: isniin – jimce 08.00 -11.30 Adreeska booqashada: Skärgårdsvägen 7, 134 30 Gustavsberg.
Haddii aad dhowaan degmada Värmdö u soo guurtay, waa inaad la kaalisaa warqadda caddaynta diiwangelinta personbevis oo aad ku caddaynayso inaad degmada Värmdö degan tahay. Sidaasoo kale, la kaalay shahaado haddii aad degmo kale ku soo dhigatay sfi.
Wasaaradda arrimaha waxbarashada - Skolverket External link, opens in new window.. Waxaad halkaan ka heleysaa warbixin ku saabsan hab-shaqaynta dugsiyada dalka Iswiidan.
Wasaaradda taclinta sare - Högskoleverket External link, opens in new window.
Ruqsadda degenaanshada (sharciga) dalka Iswiidan – Warbixinnada faahfaahsan ee xiriirka la leh codsashada Ruqsadda degenaanshada (sharciga), Ruqsadda shaqada (sharciga), magangeliyada ama jinsiyada kala xiriir Hay’adda Socdaalka, Migrationsverket External link, opens in new window..
Degmada Värmdö waxaa laga hela dhaqdhaqaaqa xannaanadda ee loogu talagalay carruurta da’dooda u dhaxeeyso 1-6 sano, taasoo la heli karo haddii waalidiinta ay shaqeeyaan, waxbartaan ama carruurta laf-ahaantooda u baahan yihiin. Xannaanadda carruur-dugsiyeedka waxaa looga talagalay carruurta 12 sano buuxsaday ama ka yar oo dugsi dhigta (fasalka dugsiga horudhaca, dugsiga biloowga/hoose/dhexe iyo dugsiga gaarka ah). Maamulka degmada ayaa mas’uul ka ah in carruurta waalidiindooda shaqeeyo ama waxbartaan ama laf ahaantooda dhaqdhaqaaqa u baahaan in xannaanaynta ay helaan.
Fasalka dugsiga horudhaca waa qaab dugsiyeed loogu talagalay carruurta 6 sano buuxsaday. Fasalada dugsiga horudhaca waxaa lagu dhigta dugsiga biloowga/hoose/dhexe ee maamulka degmada.
Goobta internetka maamulka degmada ayaa laga codsan karaa booska xannaanadda carruurta. Teeda waxaa lagala xiriir karaa iyadoo e:mail la adeegsado barnomsorgsfragor@varmdo.se ama Taleefan 08-570 482 28
Degmada waxaa ku yaallo dugsiyada maamulka degmada oo ah nooca dugsiyada biloowga/hoose/dhexe, kuwaasoo tiradooda ah saddex iyo tobban. Iyo kuwa gaar ahaan loo leeyahay/maamul, kuwaasoo tiradooda ah afar. Qofka qabo cunug da’diisa 6-15 sano u dhaxeeyso wuxuu ubadkiisa u dooran karaa dugsiga mid kamid ah dugsiyadaas. Haseyeeshe waa hadba boosaska la heli karo.
Dhigashada dugsiga biloowga/hoose/dhexe waa qasab in carruurta da’dooda u dhaxeeyso 7 - 16 sano dhigtaan. Waxbarashada dugsiga biloowga/hoose/dhexe waa saldhigga aqoonta iyo kartida, ee ardayda u suurtagelin doonto ka qayb-qaadashada noolasha bulshada ama waxbarashadooda ku sii wadan karaan. Ardayda qaba dhibaatada waxbarashada waxay helayaan taageero gaar ah. Dugsi-dhigashada waa lacag la’aan. Haseyeeshe, waxaa dhici karto in xaaladaha qaarkood ardayga laga qaado kharash aad u yar, taasoo u sabab ah hawl loo qabtay. Waxbarashada waxaa hogaan u ah qorsheha waxbarashada iyo qorsheha koorsooyinka hadba maadooyinka kala duwan. Qorshe-horumar shaqsiyeed wehlisa qiimayn qoraal ah ayaa sanna-dugsiyeedka oo idil la bixiyaa. Shahaadada waxaa la bixiyaa laga bilaabo sannad-dugsiyeedka 8:aad.
Dhammaan dhallinyarada ku nool dalka Iswiidan oo dugsiga biloowga/hoose/dhexe dhameeyay, waxay xaq ku leeyihiin dhigashada dugsiga sare oo saddex sano ah. Waxbarashada dugsiga sare waa saldhigga dhaqdhaqaaqa xirfadda, sii wadashada waxbarashada, horumar-shaqsiyeed iyo ka qaybqaadashada noolasha bulshada ee firfircoon. Dugsiga sare wuuu leeyahay qorshe-waxbarashadeed oo tiradiisa ah 18 oona soconaayo 3 sano, mid qorsheha kamid ah ayuu ardayga dooran kara.
Ujeedada wax ku barashada afka hooyo ee dugsiga biloowga/hoose/dhexe waxaa weeye in ardayda la siiyo fursad ay ku horumariyaan aqoonta afka hooyo. Wax ku barashada afka hooyo waxaa xaq ku leh ardayga mid kamid ah waalidiintiisa ama labadooda ba ku hadla luqad aan af-iswiidishka ahayn ama ncarruurta la korsado.
Jawaabta su’’aalaha xiriirka la leh wax ku barashada afka hooyo waxaa laga heli karaa: Linda Grönlund tal 070-4130426 linda.gronlund@varmdo.se
Haddii aad doonayso in waxbarashadaada lagu qiimeeyo la xiriir: Xarunta shaqada iyo waxbarashada (CAS) duleedka Gustavsberg degmada Värmdö.
Xafiiska CAS Taleefan: 08/570 483 31
Saacadaha taleefanka: isniin – jince 08.00 -11.30 Adreeska booqashada: Skärgårdsvägen 7, 134 30 Gustavsberg.
Svenska för invandrare (SFI) External link, opens in new window.
studera.nu External link, opens in new window.
Maamulka adeegga bulshada waxaa xil saaran in uu adeego, caawiyo oona taageero dadyoowga itaaldarran, dhibaato bulshodeed iyo dhaqaaleed awgood caawinaad u baahan. Qaabka taageerada Maamulka adeegga bulshada waa in loola qabadsiiyaa, hadba fursadaha, xaalada iyo baahida qofka.
Qofka hab degdeg ah adeegga bulshada u baahan wuxuu la xiriri karaa Heeganka adeegga bulshada degmada Värmdö: Maalinnimada tal: 08-570 470 00 (guud). Habeenadii, sabti-axad-ciid tal: 08-570 307 20.
Heeganka arrimaha dumarka dhiban Kvinnojour Nacka Värmdö
Wuxuu taageero-siiyaa oo u caawiyaa dumarka loo geystay fal jirdil ku salaysan ama caafimaad-nafsigooda la waxyeelay. Tal: 08-601 95 72, e-mail nackavarmdo.kvinnojour@telia.com
Maalinnimada tal: 08-570 485 66. Habeenimada iyo sabti/axad/ciidaha tal: 08-570 307 20
Maamulka xannaanadda waayeelada wuxuu maamula xannaanado kala duwan, daryeel iyo adeeg loogu talagalay dadyoowga da’dooda 65 sano ka sarayso. Ujeedada waxay tahay in dadyoowgaas habeen iyo maalin ba ay helaan xannaanayn iyo daryeelid. Sida in waayeelku usan hoygiisa ka guurin xitaa haddii u xannuunsan yahay ama itaaldarran yahay. Teeda kale, dadyoowga u baahan xannaanayn iyo daryeelid ballaaran oo hoygooda ku noolaan karin, waxay heli karaan hoy gaar ahaan iyaga loogu talagalay.
Carruurta iyagoo xilhaayeha xannaanadda/waalidka la socan dalka Iswiidan yimaada, waxay u baahan yihiin qof xilhaaye ah oo mas’uul ka noqda. Xilka magacaabida xilhaayeha wuxuu saaran yahay Guddiga kormeeridda wakiilada. Mas’uuliyadda xilhaayeha/maamuleha waxaa weeyaan ilaalinta xuquuqda cunugga. Tusaaale ahaan isagoo ku hadlaayo magaca cunugga, ayuu codsi u qori kara ama arrin rafcaan ka qaadan karaa.
Dela:
Senast publicerad:
Värmdö kommun
Skogsbovägen 9–11, Gustavsberg
Postadress: 134 81 Gustavsberg
Telefon: 08-570 470 00
varmdo.kommun@varmdo.se